Qaab dhismeedka Dowlad Goboleedka puntland .
Dowlad Goboleedka Puntland waxay leedahay sadex waaxood oo dowli ah.
- Golaha Xukuumada
- Golaha Wakiilada
- Golaha Garsoorka
Golaha Xukuumada: .
Madaxwayne:
Madaxwaynahu waa awooda ugu saraysa dowlada wuxuu astaan u yahay midnimada Puntland, madaxwaynuhu waa Taliyaha ciidamada qalabka sida.
Madaxwaynaha waxaa doortay Golaha Wakiilada, Mudada xilku waa 4 Sano, dhamaadka mudada Xilka, wuxuu xaq u leeyahay in uu dib u tartami karo
Madaxwayne ku-xigeen :
Madaxwayne Ku xigeenku wuxuu kaaliyaa Madaxwaynaha sidii uu gudan lahaa xilkiisa, Waa sii-hayaha Xilka madaxwaynaha marka uu maqan yahay.
Madaxwayne ku-xigeenka waxaa doortay Golaha Wakiilada, Mudada xilku waa 4 Sano, dhamaadka mudadaa Xilka wuxuu xaq u leeyahay in uu dib u tartami karo
Wasiirada:
Wasiirada waxaa magacaaba Madaxwaynaha isaga oo la tashanaya Madaxwayne Ku-xigeenaka, Howlgalka wasiiradu waa inay la taliyaan Madaxwaynaha, isla markaana waxay ka masuulyihiin xiriirka golaha wakiilada dhinaca siyaasada dowlada iyo Adeega.
Shaqada Maamulka dowlada waxaa fuliya qaybo kala duwan, qayb kasta waxaa madax u ah Wasiir, wuxuuna ka masuul yahay xiriirka golaha wakiilada ee wasaaradiisa. Shaqaalaha wasaaradu waa xirfadlayaal ayasan shaqadoodu ku xirayn isbedel ka dowlada,
Golaha Wakiilada :
Awooda xeer dejinta waxaa leh Golaha Wakiilada, oo dhan 66 xildhibaan kana wakiil ah dhamaan gobolada puntlanad, Golaha wakiiladu waxay dhexdooda ka doortaan Afhayeen iyo labo ku-xigeen.
Afhayeenka golaha wakiilada wuxuu maamulaa kal fadhiga golaha isla markaana hubiyaa tixraaca dastuurka, ku xigeenadu waxay kaaliyaan afhayeenka gudashada xilkiisa, Golaha wakiiladu waxay leeyihiin gudiyo daba gal ku sameya xukuumadu sida ay u fuliso Adeega bulshada.
Garsoorka:
Garsoorku wuu ka madax banaan yahay, xukuumada iyo golaha wakiilada Qaybaha garsoorku waa (a) Maxkamada sare (b) Maxkamada Rafcaanka, (c) Maxkamada Darajada hoose.
Gudomiyaha Garsoorka ee Maxkamada sare oo aha tan ugu saraysa, waxaa magacaaba Madaxwaynaha, waxaana ansaxiya Golaha Wakiilada.
|