English 
Boga hore
Xogta DGPL
Qaabka Xukuumadda
Khariidada
Nagala xiriir
Fal celis



Wararka

War saxaafadeed

Mashaariicda Hormarinta

Khadiiradda DGPL

Muuqaalo

Dalxiiska

Ganacsiga

info@puntlandgovt.com
Ministries' web pages
Ministry of Education
Ministry of Fisheries
Ministry of Women Development & Family Affairs
Ministry of Finance
Ministry of Health


Wararka
Golaha xukuumadda DGPL oo maanta ansixiyey Miisaaniyadda 2009.

Friday, 01-May 2009

Garowe,Puntland:Waxaa maanta golaha xukuumadda DGPl cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen ku talagalka miisaaniyada sannadka 2009. Miisaaniyadan ayaa lagu ansixiyey kulan aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen goluhu ka dib markii shirkii khamiislaha ahaa ee shalay lagu balamay in laysla soo eego ka dibna dib laysugu soo noqdo.

>>Akhri
Xuska maalinta Shaqaalaha Adduunka oo laga xusay Puntland

Thursday, 30-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweyne ku xigeenku DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire ayaa maanta ka qaybgalay xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay,munaasibada ayaa lahayd saddex weji. xafladan ayaa waxa lagu qabtay xarunta Leybareeriga.

>>Akhri
Madaxweyne ku xigeenka DGPL oo manta Xariga ka jaray Xarunta Dahabshiil Garowe.

Thursday, 30-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweyne ku xigeenka DGPl ayaa maanta xariga ka jaray dhisme qurux badan oo ay dhisatay shirkada Dahabshiil ee qaybta Gobolka Nugaal gaar ahaana Caasimada Garowe ee DGPL.

>>Akhri
Warbixinta Hay’ada u qaabilsan daymaha danyarta

Wednesday, 29-Apr 2009

Garowe.Puntland:shirkaan waxaa ka codsaday madaxwaynaha gudiga sare ee hayda puntland u qaabilsan daymaha danyarta oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan puntland microfinance institution (MFI),barnaamijkaas poo puntland laga asaasay sandkii 1987dii waxaa asaasay koox aqqonyahano ah oo magacyadoodu warbixinta dhamaystiran ku qoran yihiin,gudoomiyaha gudiga sare e amaahda danyarta asha Gelle diriye .gudoomiye kuxigeenka hayada amaahda danyarta Abdirisaq Hussen Gacayte iyo xubno kale oo gudiga ka mid ah ayaa madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka iyo xubo ka mid ah wasiirada puntland oo uu ku jiro wasiirka maaliyadda dawladgoboleedka puntland ayaa warbixn dheer oo qoran ka dhageystay gudoomiyaha hayadda,khudbada ka dibna waxaa madaxwaynuhu soo dhaweeyey haydda waxaana uu sheegay in ay dawladda qorshaha ugu jirto in ay gacansiiso danyarteed,waxaa madaxwaynuhu shegay in khidmada la saarey barnaamijkan uu badan yahay,dawladuna xoogga saareyso in deymaha la siinayo danyarta ay noqdaan kuwo aan khidmadi saareyn,waxaa madaxwaynehu gudiga sare ka dalbaday in ay u keenaan docmentiga haydda si uu u ogaado deynsoocelinta iyo lacagaha aan rajada lahayn iyo lacagta hadda ku sii harsan shacabka ee wareegaysa,gudiguna waxaa uu balanqaaday in uu dedeag u soo gaarsiin doono docomentigaas sida ugu dhaqsaha badan; akhri warbixinta oo tafatiran oo ku lifaaqan:

>>Akhri
Xeer Madaxweyne

Monday, 27-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweynaha DGPl Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud ayaa soo saaray xeer Madaxweyne oo Lrkiisu yahay 26,kuna taariikhsan 25 April,2009.kuna saabsan Magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Taliye Qaybeed.

>>Akhri
Madaxweynaha oo maanta warbixin ku aadan safarkiis siiyey golaha wakiilada,

Monday, 27-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweynaha DGPL Dr Cabdiraxmaan Sh,Maxamed Maxamuud iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdisamed Cali Shire ayaa maanta ka qaybgalay galay kalfadhigii aan caadiga ahayn ee u socday Golaha Baarlamaanka DGPL,kalfadhigan ayaa waxa sidoo kale ka qaybgalay golaha wasiirada intoodii badnayd.

>>Akhri
Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa Gobolka Sool.

Saturday, 25-Apr 2009

Tukaraq,Puntland:Madaxweyne ku xigeenka DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa kormeer hawleed ku tahay qaar ka mid ah gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeerkiisa waxa ku weheliyey qaar ka mid ah golaha wasiirada,golaha Baarlamaanka,taliyayaasha Ciidamada Puntland,guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Laascaanood iyo isimo.

>>Akhri
Madaxweynaha DGPL oo maanta si weyn loo soo dhoweeyey

Thursday, 23-Apr 2009

Garowe.Puntland:Madaxweynaha DGPL iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta ka soo degay Garoonka Konoko ee Magaalada Garowe. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa si aad ah loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada DGPL ee Garowe,soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxa ka qaybqaatay Madaxweyne ku xigeenka DGPL Mudane Cabdisamed Cali shire,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa,xubno Baarlamaanka ah ,golaha wasiirada intoodii badnayd,isimo,cuqaal iyo dadweyne fara badan.

>>Akhri
Kalfadhi aan caadi ahayn oo maanta u furmay Baarlamaanka DGPL

Wednesday, 22-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweyne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhi aan caadi ahayn ee Golaha Baarlamaanka,kalfadhigan ayaa waxa ka soo qaybgalay golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Kalfadhigan ayaa waxa lagu furay ayaadaha Quraanka Kariimka ah,ka dibna waxaa hadal soo dhoweyn ah soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Maxamed Xirsi,wuxuuna hadalkii ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka si uu u yiraahdo kalmedii furttaanka kalfadhigan aan caadiga ahayn. Hadaba qodbadii furitaanka ayaa waxa ay u dhignayd sidatan:

>>Akhri
Madaxweyne ku xigeenka ahna K/S DGPL oo kulan la yeeshay Madaxa UNOCHA

Tuesday, 21-Apr 2009

Garowe,Puntland:Madaxweyne kuxigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’ada UN-Ocha, Weftigan ayaa waxa horkacayey Paul Thomson Deputy head office UN OCHA Somalia,William Desbordes head of sub office Ocha Puntland iyo Maxamed Cusmaan Ocha Garowe.

>>Akhri
<<PREV

Pages
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61
NEXT>>
 
 
© 2006- 2009 Puntland Government | info@puntlandgovt.com