English 
Boga hore
Xogta DGPL
Qaabka Xukuumadda
Khariidada
Nagala xiriir
Fal celis



Wararka

War saxaafadeed

Mashaariicda Hormarinta

Khadiiradda DGPL

Muuqaalo

Dalxiiska

Ganacsiga

info@puntlandgovt.com
Ministries' web pages
Ministry of Education
Ministry of Fisheries
Ministry of Women Development & Family Affairs
Ministry of Finance
Ministry of Health


Wararka
Dowladda iyo Hay adaha oo booqday dadka isbitaalka Garoowe u jiifa cudurka shuban biyoodka.

Sunday, 13-May 2007

Madaxweyne ku xigeenka DGPL Mudane Xasan Daahir Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirka caafimaadka, Dr C/maan Saciid Dhagaweyne, wasiirka maaliyadda, Dr Maxamed Cali Yuusuf, guddoomiyaha gobolka Nugaal, duqa dgmada Garoowe, agaasimayaal, hayadaha WHO, Save the children, Merlin, CARE, Islamic relief, ururka Bisha Cas, iyo PUPA NGO ayaa maantay waxay kormeer ku tageen isbitaalka guud ee magaalada Garoowe iyagoo boqqday qaybaha isbitaalka ee ay jiifaan dadka qaba cudurka shuban biyoodka.

>>Akhri
Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Xarunta Madxtooyada ku soo dhaweeyey Wafti uu hogaaminay Danjire fall.

Saturday, 12-May 2007

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqurac ayaa xarunta Madaxtooyada Kuqaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Frencois Fall,waftigaan oo kasoodagey garoonka Diyaaradaha ee kanoko ayaa waxa kusoo dhaweeyey wasiirka arimaha gudaha wasiirka warfaafinta iyo wasiir kuxigeenka iskaashiga Caalamiga,

>>Akhri
Shirka Gollaha Wasiirada Khamiista oo ka dhacay Garoowe,

Friday, 11-May 2007

Golaha wasiirada ee Dowladda Puntland ayaa Maanata isugu yimid shirkii caadiga ahaa ee khamiista waxana Shirkaas uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe

>>Akhri
Shirkii Nabadda Burtinle oo lasoo gabagbeeyey Galabta, iyo Madaxweynaha puntland oo ugaqaybqaatay Khadka Teleefoonka.

Wednesday, 09-May 2007

Kulan maalmihii ina dhaafay oo dhan ka soconayay dugsiga sare ee degmada Buurtinle ayaa maanta si rasmi ah u soo gabo gabobay ,ayadoo laga soo saaray qodobbo dhowr ah,shirkaan ayaa ahaa mid lagu dhex dhexaadinayay laba beel oo reer Puntland ah oo dagaallo ku dhex mareen deegaanka Cagaare.

>>Akhri
Wasiirka Warfaafinta DGPL, Mudane Cabdiraxmaan Bankax ayaa saxaafada uga waramay shirka ay maanta ku yeesheen golaha Wasiirada magaaladan boosaaso

Thursday, 03-May 2007

Wasiirku wuxuu sheegay in shirka uu guddoominayey Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayna ka soo qaybgaleen wasiirada hada ku sugan Boosaaso, maadaama ay wasiiro ay ku maqan yihiin shaqo qaran oo ay ka soo fulinayaan gobolada sida ,Sanaag, Karkaar, iyo Cayn, waxaa kaloo shirkan caadiga ah lagu casumay Madaxda hay?adaha nabadgelyada oo iyana ka soo qaybgalay.

>>Akhri
Wasaarada Kaluumaysiga oo saartay Ganaax lacageed 13 Gaadiidka badda ee laga soo qabtay xeebaha Puntland

Sunday, 29-Apr 2007

Wasiirka Kaluumaysiga, Dekedaha iyo Khayraadka Badda, Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay, April 26, 2007 iyaga oo cuskanaya xeerka Kaluumaysiga Dowlad Goboleedka Puntland Lr.61, in ay ku soo rogeen ganaax lacageed oo dhan tiro guud $1,055,500.00 (Hal Milyan konton iyo shan kun shan boqol), 3 Markab iyo 9 Doonyood oo ay Ciidanka ilaalada badda ka soo qabteen Xeebta Puntland April 24, 2007 kuwaas oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey aaga u dhaxeeyaa Raas-Casayr iyo Caluula,

>>Akhri
Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Boosaaso

Thursday, 26-Apr 2007

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta waxay isugu yimaadeen Madaxtooyada magaalada Boosaaso shirkoodii caadiga ahaa ee khamiista.

>>Akhri
Ciidamada Ilaalada Badda ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 3 Markab iyo 9 doonyood oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey Xeebaha DGPL.

Wednesday, 25-Apr 2007

Ciidamada Ilaalada Badda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Sadex Markab iyo Sagaal doonyood oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey Xeebaha Puntland ka dib markay howlga ugu baxeen 48 Saac ka hor.

>>Akhri
Shirlagaga hadalayey difaaca puntland oo kadhacay magaalada boosaaso .

Thursday, 19-Apr 2007

Shir lagaga hadalayey Difaaca xaduudaha Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta G.Bari ee Boosaaso, waxana kasooqeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Pland Xasn Daahir afqurac,Wasiirka Maaliydda Puntland Dr maxamed cali yuusuf[gaagaag], Wasiirka Warfaafinta C/maan maxamed saalax, wasiir kuxugeenka maaliyadda Yaasiin cartan maxamed, wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha Ibraahin cartan ismaaciil[xaji bakiin], Taliye kuxigeenka Booliska Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cayduruus cismaan yuusuf, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Isamada Puntland oo ay kamid ahaayeen Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Suldaan C/laahi cali ciid, Ganacsatada, Odayaasha, qaybaha kala duwan ee Bulshadda iyo saxaafada.

>>Akhri
War ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta DGPL

Sunday, 15-Apr 2007

Maalintii ay Taariikhdu ahayd April 14, 2007, Ciidamada Maamulka isku magacaabay Soomaliland waxay weerar gardaro ah ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Puntland aaga Magaalada Dhahar

>>Akhri
<<PREV

Pages
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61
NEXT>>
 
 
© 2006- 2009 Puntland Government | info@puntlandgovt.com