 |
|
Safiirka Dalka Jarmalka u fadhiya Adis-ababa oo la kulmay Madaxweynaha DGPL.
Saturday, 13-Oct 2007 |
Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Muse Xirsi ayaa kulan la yeeshay danjiraha dalka jarmalka u fadhiya itoobiya. Kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Jarmalka ee Addis Ababa ayaa waxaa ka qaybgalay ku xigeenka madaxa safaaradda mudane Peter Fahrenholtz iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda mudane Ray M. Carranza.
>>Akhri |
Madaxweynaha DGPL oo maanta Hambalyo u diray ummadda Islaamka oo dhan
Friday, 12-Oct 2007 |
Madaxweynaha DGPL.Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta Hambal u diray ummadda islaamka meel kasta ay joogaan Fadliga Ciidul fidriga awgii isagoo ku sugan Magaalada adis-ababa ee dalka itoobiya
>>Akhri |
Itoobiya Kulanka Madaxwaynaha Puntland iyo safiirka Maraykanka u fadhiya
Friday, 12-Oct 2007 |
Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Musse Xirsi iyo safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Donald Yamamoto ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda Maraykanku ku leedahay Addis Ababa.
>>Akhri |
Labo Gaari oo sida waxyaabaha Qarxa oo la qabtay.
Friday, 12-Oct 2007 |
Waxaa Togga Ceeldoofaar lagu qabtay labo gaari oo uu mid siday waxyaabaha qarxa. Labadan Gaari oo kala ah Cago badan iyo iskurogo,oo iyadu ah mid laga rogayey waxyaabahaasi qarxa.
>>Akhri |
Wasiirka Warfaafinta Puntland Oo booqday Laascaanood
Friday, 12-Oct 2007 |
Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Saalax(Bangax) ayaa booqasho Gaaban ku tegay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.Wasiirka ayaa booqashadiisan waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah weriyayaasha puntland ka howlgala iyo kuwa Caalamka sida VOA
>>Akhri |
Madaxwaynaha Puntland ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Ethoipia
Thursday, 11-Oct 2007 |
Madaxwaynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee loo yaqaan Bole ee ku yaal magaalada Addis Ababa, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey Ethiopia.
>>Akhri |
Dawladda Puntland iyo UN-ka oo shir ku yeeshay Garowe
Monday, 08-Oct 2007 |
[Garowe PLGOV.Net ]Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Caasimada Garowe kulan ku yeeshay Maamul goboleedka puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Qaramada Miodoobay.
>>Akhri |
War saxaafadda loogu tala galay oo uu qabtey Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland
Thursday, 04-Oct 2007 |
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. Isgaarsiinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Saalax(Bangax) ayaa gaaray Gobolka Sool Gaar ahaana Magaalada Laascaanood,wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Raxan Weriyayaal ah oo isugu jira kuwa ka howlgala Gobolada Puntland iyo caalamka sida BBC.
>>Akhri |
Dhismihii Maxjarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Magaalada Boosaaso
Saturday, 29-Sep 2007 |
Dhismihii Maxjarka ayaa maanta waxa uu ka bilaabmay meeshii loogu talagalay oo uu Madaxweynaha DGPL uu hore u dhagax dhigay, Maxjarkan ayaa socon doonaa wejiga kowaad muddo labo bilood ah sida uu sheegay Enjineerka qaabilsan dhismaha Maxjarka.
>>Akhri |
Golaha degaanka ee Boosaaso ayaa maanta lagu dhaariyey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso.
Friday, 28-Sep 2007 |
Dhaartan ayaa kitaabka quraanka waxaa lagu dhaariyey 27 xubnood oo uu ka koobnaa golaha degaanka ee Degmada Boosaaso,dhaartan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka ahna sii haya xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud, qaarka mid ah golaha wasiirada,golaha wakiilada puntland,la taliyaha Madaxweynaha dhinaca arrimaha Nabadgelyada,taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland,maamulka Gobolka iyo Kan degmada,madaxdhaqameedyo,Aqoonyahano iyo waxgarad.
>>Akhri | |
|