 |
|
Shir jaraa?id oo uu manta qabtay wasiirka kalluumaysig iyo dekedaha DGPL
Wednesday, 05-Dec 2007 |
Boosaaso,Puntland:Wasiirka dekedaha iyo Kaluumaysiga Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Max?ed Raage oo maanta shir jaraa?id ku qabtey xafiiskiisa wasaarada dekadaha ee magaalada Boosaaso ayaa daboolka ka qaadey in xaley 4-tii galinka dambe ay la soo xiriireen masuuliyiinta Puntland Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo soo sheegay in kooxda burcad badeeda ee Markabka afduubka u haysata ay dalbadeen in la geeyo magaalada Boosaaso isla markaana ay Markabka siideyn doonaan, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay isbadaleen kooxda burcad badeeda ah oo iyagu sharuudo kale soo jeediyey oo ay ka mid tahay in ay la xiriireen Ninkii Markabka lahaa isla markaana loo baahan yahay in laga dhexbaxo iyaga iyo shirkada Markabka iska leh.
>>Akhri |
Siminaar hal maalin ah oo loo qabtay warshadleyda Puntland.
Tuesday, 04-Dec 2007 |
Boosaaso,Puntland: Siminaar socday hal maalin ayaa waxa loo qabtay Warshadleyda Puntland
Siminaarka ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland,waxaana ka soo qaybgalay Warshadleyda Puntland gaar ahaana Gobolada Bari iyo Sanaag,
>>Akhri |
Madaxweynaha DGPL ayaa manta dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
Monday, 03-Dec 2007 |
Boosaaso.Puntland: Madaxweynaha dawlad goboleedka puntland maxamud muuse xirsi ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigey dhisme cusub oo ay yeelanayso wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dawlad goboleedka puntland.
>>Akhri |
Duqa Degmada Boosaaso iyo ku xigeenkeeda oo la doortey
Sunday, 02-Dec 2007 |
Boosaaso.Puntland: Waxaa manta si rasmi loo doortay Duqa degmada Boosaaso ahna guddoomiyaha Golaha Degaanka boosaaso iyo ku xigeenkiisa.
Doorashadan Duqa iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa manta Goob jog ahaa Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi.
>>Akhri |
Xuska Maalinta Aidska Adduunka 1da Dec
Saturday, 01-Dec 2007 |
Waxaa maanta si weyn Caalamka looga xusay 1da Disembar 2007 oo ah maalinta Aidska adduunka loo aqoonsaday.
Debbaaldegyo iyo xaflado lagu xusayo ayaa waxa ay ka dheceen dhamaan gobolada Puntland.
>>Akhri |
Go?aamadii ka soo baxay golaha xukuumadda.
Friday, 30-Nov 2007 |
Maanta oo ah jimce Novembar 30,2007 waxaa qolka shirarka madaxtooyada ee caasimadda Garowe lagu qabtay shir uu yeeshay golaha Xukuumaddu oo uu Madaxweynuhu guddoominayey.
>>Akhri |
Kulan socday labo maalmood ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey jaamacada PSU.
Thursday, 29-Nov 2007 |
Garowe.Puntland, Kulanka ayaa gabagabadiiisii waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha DGPL, Mudane Maxamuud Muuse Xirsi,sidoo kale waxaa labadaasi maalmood uu socday goob joog ka ahaa wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada DGPl.
Kulankan ayaa waxa soo qabanqaabiyey Hay?adaha Caalamiga ah,oo ay ka mid yihiin UNka,EUda iyo word Bank,waxaanaa kaloo ka soo qaybgalay NGOyada Caalamiga ah iyo NGOyada maxaliga ah.
>>Akhri |
Madaxweynaha oo manta dhagax dhigay xarunta Imtixaanaadka Puntland.
Wednesday, 28-Nov 2007 |
Madaxweynaha DGPL ayaa saaka dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso wasaaradda waxbarashada DGPL.
Dhismahan uu saaka dhagax dhigay Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ah xafiisyo labo dabaq ah oo noqon doona rugta imtixaanaadka wasaaradda waxbarshada DGPL
Dhagax dhigan ayaa waxa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee ka howlgala wasaarada waxbarashada DGPL.
>>Akhri |
Wefti ka socda EUda iyo UNka oo maanta soo gaaray Garoowe
Tuesday, 27-Nov 2007 |
Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland soo gaaray wefti uu hoggaaminayo Georges Marc Andrea oo ah wakiilka khaaska ah EU,Somaliya,(Special Envoy Eroupean Union For Somalia).
Mr Andrea ayaa isla markii uu soo degay waxa uu kulan khaas ah la yeeshay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Xasan Daahir Maxamuud
>>Akhri |
WAR KA SOO BAXAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND
Monday, 26-Nov 2007 |
Iyadoo la fulinayo siyaasadda dowladda kuna aaddan horumarinta dhaqaale iyo bulsho,
Iyadoo la tixgelinayo sida ay puntland hodanka uga tahay kalluunka iyo guud ahaan khayraadka badda iyo kaalinta kalluumaysigu kaga jiro horumarka Puntland,
>>Akhri | |
|