 |
|
Booqashada Madaxweynaha DGPL ee Gobolka Karkaar.
Saturday, 22-Dec 2007 |
Qardho,Puntland:Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa booqasho gaaban ku tegay gobolka Karkaar gaar ahaana Magaalada Qardho.
Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku weheliyey Wasiirka Caafimaadka DGPL Dr C/raxmaan Siciid Maxamuud(Dhagaweyne),wasiir ku xigeenka Qarshaynta Mudane Cabdillaahi Maxamed Barre.
>>Akhri |
Madaxweynaha oo Booqday degaanka shaxda
Thursday, 20-Dec 2007 |
Qardho.Puntland:Madaxweynaha DGPL iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka DGPL ayaa waxa ay booqdeen subixii Ciida Tukashada ka dib,Tuulada Shaxda oo ka tirsan degmada Qardho,Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey dadweynaha Tuuladaasi,oo si weyn ugu faraxsanaa booqashada uu Madaxweynuhu ku tegay degaankaasi oo aan weligii tegin mas?uul dowladeed oo ka sarreeya heer gobol.
Waxaa ugu horraynba halkaasi ka hadlay maamulka gobolka iyo kan degmada Qardho waxayna warbixin ka siiyeen Madaxweynaha xaaladda degaankaasi.
>>Akhri |
Madaxweynaha DGPL ayaa saaka ku Tukada Salaadii Ciidul Adxaa Degmada Qardho
Wednesday, 19-Dec 2007 |
Qardho.Puntland:Madaxweynaha DGPl ayaa saaka kala qaybqaatay Salaaddii iyo farxaddii ciidul Adxaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada qardho ee Gobolka Karkaar,oo ay maanta muslimiintu aduunka oo dhan ay ka ciidayaan badhkoodna ay xajkii dawaafayaan.
>>Akhri |
Magacaabid Agaasimayaal Guud
Monday, 17-Dec 2007 |
Garowe,Puntland:Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa magacaabay labo agaasime guud oo uu u kala magacaabay Madaxtooyada iyo Howlaha Guud iyo Gaadiidka.
Hadaba Dekreetada lagu magacaabay ayaa waxa ay ku qornayd sidatan:
>>Akhri |
Xil wareejintii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DGPL
Monday, 17-Dec 2007 |
Garowe,Puntland:Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa ay maanta ka dhacday Ex:Xaruntii D/hoose iyo horumarinta Gobolada hadana ah Wasaaradda arrimaha Gudaha ee DGPL.
Xafladan ayaa waxa ay ujeedadeedu ahayd xil wareejin,kaasi oo uu xilka ku wareejinayey Wasiirkii hore ee wasaaradda D/hoose iyo Horumarinta Gobolada Mudane Cali Cabdi Awaare,uuna ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr Cabdirashiid Jaamac Warsame(Barkhadle).
>>Akhri |
Xaflad lagu soo bandhigay golaha wasiirada cusub ee DGPL
Sunday, 16-Dec 2007 |
Garowe:Puntland:Xaflad ka dhacday hoolka shirarka ee madaxtooyada ayaa lagu soo bandhigay golaha wasiirada cusub.
Madaxweynaha DGPl mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta soo saaray Dekreeto uu ku magacaabay golaha wasiirada cusub ee DGPL.
Madaxweynaha ayaa halkaasi ka soo jeediyey hadalo isugu jira dardaaran iyo waxqabad uu ku booriyey wasiirada cusub iyo kuwii hore u joogayba oo qaarkood meeshoodii loo daayey halka kuwa kale isku shaandhayn lagu sameeyey,waxaana halkaasi ka akhriyey Magacyadii wasiirada cusub agaasimaha guud ee Madaxtooyada,intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi lagu dhaariyey wasiirada iyo wasiirada ku xigeenada Cusub.
Hadaba Dekreetada madaxweynaha ee golaha cusub ayaa waxa ay u qornaayeen sidatan
>>Akhri |
Kulan labo geesood ah oo ay ku kulmeen DGPL iyo UNDP
Wednesday, 12-Dec 2007 |
Garowe.Puntland:Waxaa shalay kulan yeeshay Madaxda UNDP iyo Maamulka dowlad goboleedka Puntland qaybaheeda kala duwan.
Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada gaar ahaana hoolka shirarka.
Kulankan ayaa waxa ay Hay?ada UNDP ku soo bandhigtay mashaariicda ay igu talagashay Puntland 2007 iyo kharajka ku talagalka sannadka 2007.
>>Akhri |
Madaxweynaha DGPL ayaa maanta Xarigga ka jaray 157 guri.
Tuesday, 11-Dec 2007 |
Garowe,Puntland: Xaflad Ballaaran ayaa maanta waxa lagu qabtay Xaafada Cusub,xafladan ayaa ujeedadeedu ahayd wareejinta mashruuca dibudejinta dadka soo barakacay iyo dadka saboolka ah.
>>Akhri |
Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska
Sunday, 09-Dec 2007 |
Waxaa galabta xarunta wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska lagu qabtay xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay.
Xafladan ayaa waxa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska.
>>Akhri |
Safar gaaban oo Madaxweynaha DGPL ku tegay Gobolka Mudug.
Sunday, 09-Dec 2007 |
Madaxweynaha DGPl mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa saaka waaberigii u ambabaxay Gobolka Mudug gaar ahaana Magaalada Gaalkacyo
Madaxweynaha ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyey Mas;uuliyiinta Gobolka Mudug,waxgaradka iyo dadweynaha Magaalada Gaalkacyo
>>Akhri | |
|