 |
|
Madaxweynaha DGPL oo galabta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha
Monday, 20-Aug 2007 |
Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa galabta waxa uu kulan la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha DGPL iyo Guddoomiyayaasha/Maareeyayaasha Hay?daha DGPl
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Hoolka shirar ee Xarunta Madaxtooyada Garowe.
|

Kulankan ayaa waxaa kaloo ka soo qaybgalay Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, dhallinyarada iyo Isportiga Cabdi Nuur Cilmi Qaaje(Biidhe),wasiirka Ammniga Madaxtooyada Jaamac Xirsi Faarax iyo xisaabiyaha Guud ee Dowladda.
Hadaba kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha Guud iyo Maareeyayaasha Hay?adaha loogu sheegi lahaa waajibaadkooda shaqo.
Ugu horrayntiiba waxaa halkaasi loogu qaybiyey qoraalo iyo wareegto ku saabsan waajibkooda shaqo,waxaana halkaasi wareegtada Madaxweynaha ka akhriyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada waxayna u qornayd sidan:
Wareegto Madaxweyne kuna taariikhsanayd 28.07.2007.kuna saabsan Maaliyada Dowladda.
Wareegtada ayaa waxa ay ku socotay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay?daha DGPL,waxayna og ku ahayd Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Hanti dhowrka Guud.
Waxaa Caado noqotay oo la jidaystay in si cad loogu tagri falo Maaliyadda Dowladda oo sida la ogsoon yahay ah hantidadweyne loona baahan yahay in la ilaaliyo oo si hufan loo maamulo.
Waxaaa hore loo soo saaray awaamiir isdaba joog ah oo Mas?uuliyiintra lagu farayo in loo hoggaansamo nidaamka maamulka maaliyada taasoo si bareer ah la iskaga indho tiray loona garab maray.
Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in la qeexo awoodaha ay mas?uuliyiintu kala leeyihiin marka laga hadlayo maamulka maaliyada iyo Hantida dowladda.
Wasiirada iyo Wasiiri ku xigeennadu waa siyaasiyiin u xil saaran arrimaha siyaasadda, kormeeka hay?adaha iyo xafiisyada ay mas?uulka ka yihiin,hubinta sida ay barnaamiyada iyo qorshaha dowladdu u fulaan,hubinta sida ay mas?uuliyiinta la shaqaysaa uga soo baxaan waajibaadka shaqo IWM.

Sidaa darteed laga bilaabo Septembar 01,2007 maamulka maaliyadda iyo hantida Wasaaradaha iyo Hay?daha dowladda waxaa mas?uul ka ah agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Guddoomiyayaasha/Maareeyayaasha guud ee Hay?adaha,iyaga ayaana si toos ah ugu idman oo lagula xisaabtamayaa lagana doonayaa inay xafiisyada ku shaqada leh si bille ah ugu gudbiyaan xisaab xir dhamaystiran.
Wasiirada iyo wasiiro ku xigeennadu ilaalin mooyee wax fara gelin ah kama leh maamulidda maaliyadda wasaaradaha iyo Hay?adaha ay mas?uulka ka yihiin.
Haddaba waxaa dhammaan mas?uuliyiinta ay arrintu khusayso al farayaa laguna adkaynayaa in wareegtadaan loo fuliyo sida ay tahay iyadoo ku dhaqankeeda si joogto ah loo hubin doono.
Isku soo wada duuboo kulamada ay dowladda sare la yeelanayso Mas?uuliyiinta dowladda ee kale ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay sidii loo dhaqan gelin lahaa Barnaamijka Maamul wanaagga ee ka soo baxay barnaamijkii Astaynta Maamul sixidda.


|
|