 |
|
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo sheegay in Swine Flu soo galay Soomaaliya, Booqdayna Xarunta Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ee Garoowe.
Monday, 23-Nov 2009 |
Garowe(AllPuntland)- Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa bilowday in la talaalo dadka Ajnabiga ah ee soo galaya gudaha Puntland, markii la xaqiijiyey in uu gudaha dalka Soomaaliya soo galay Cudurka khatarta ah ee la yiraahdo Swine Flu oo dad badan ku laayay daafaha caalamka.
|

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ayaa sheegay in ay qabaan cabsi ku aadan cudurkaasi, isagoo sheegay in cudurkaas uu soo galay gudaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay Wasaaraddiisu ku dadaalayso sidii uusan soo gali laheyn deegaanada Puntland.
Dr, Bashiir wuxuu sidoo kale sheegay in ay talaal siin doonaan cid kasta oo ka imaanaysa dibada Puntland, gaar ahaana deegaanada la jaarka ah iyo Ajnabiga uga imaanaya dalalka dibadiisa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay dadka Puntland-na taxadar dheeraad ah ka muujiyaan arrimahaasi.

WHO oo ah Ururka Caafimaadka Aduunka oo qeybinaya dawada ku aadan ka hortagida Cudurkan, ayaa gaarsiisay dawadeeda wadamada dunida Sadexaad oo ay ku jirto dalka Soomaaliya, waxaana ay soo gaarsiisay Soomaaliya dawadaas oo ay hada dawladda Puntland ka bilaabayso deegaanada Puntland.
Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa ku guuleystay in ay talaalka ka hortagida Cudurka Swine Flu ay siiso Boqolaal qof oo dhawaan ka duulay garoomada diyaaradaha ee Puntland, kuwaas oo ku sii jeeday Boqortooyada Sucuudi Careebiya oo ay uga qeybgalayaan gudashada waajibaadka Xajka, waxaana dadkii ka duulay Puntland oo dhan lasiiyay talaalka cudurkaasi, taasoo ka mid ahayd sharuudihii laga doonayay xujeyda sannadkan.
Dhinaca kalena Wasiirka caafimaadka Puntland oo ay la socdaan qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaas ayaa booqday Xarunta Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ee magaalada Garowe, isagoo kormeer shaqo ku sameeyey qeybaha kala duwan ee WHO, wuxuuna la hadlay qaar kamid ah Madaxda WHO oo uu kala hadlay xaaladaha caafimaadka ee Puntland.












|
|