English 
Boga hore
Xogta DGPL
Qaabka Xukuumadda
Khariidada
Nagala xiriir
Fal celis



Wararka

War saxaafadeed

Mashaariicda Hormarinta

Khadiiradda DGPL

Muuqaalo

Dalxiiska

Ganacsiga

info@puntlandgovt.com
Ministries' web pages
Ministry of Education
Ministry of Fisheries
Ministry of Women Development & Family Affairs
Ministry of Finance
Ministry of Health


Wararka
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Casho sharaf u sameeyey Guddigii Ismada ahaa

Monday, 23-Nov 2009

Garowe,Puntland:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ayaa xalay casho sharaf waxa uu u sameeyey Gudigii Isimada ahaa ee loo xil saaray xalinta Khilaafaad beelaha walaalaha ah ee wada Dega degaanka Igdhays.



Casho sharafta ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garowe.
Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.
Hadaba cashada ka dib ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamuud Maxamed waxa uu ugu horraynba uga mahadceliyey Isimada taageeridii ay ku taageerreen mowqifkii uu ka qaatay arrimihii soo kala dhexgalay iyaga iyo Federaalka,sidoo kale waxa uu guddiga isimada ah uga warbixiyey safarkii Nayroobi ay ku aadeen waxyaabaha uga soo qabsoomay iyo khilaafka soo kala dhexgalay Puntland iyo Federaalka,khilaafkaasi oo ahaa mashaariicda horumarinta Puntland,sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay dhinaca Ammniga isagoo sheegay in tan iyo maalintii uu yimid uu ku hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Puntland isagoo sheegay in uu kulamo la yeeshay laamaha Amniga iyo Hay’adaha qaabilsan Mas’uuliyiintooda si loo adkeeyo amniga una hirgasho mashaariicda la filayo dhowaan in ay ka hirgalaan Puntland waayo hadaan ammni jirin Horumar ma jiro.
Intaasi ka dibna waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyey qaar ka mid ah Guddiga Isimada ah waxayn ak awarbixiyeen halka ay wax u marayaan oo ah meel wanaagsan,shalayna ay qabteen warsaxaafadeed ku saabsan degaanka ay isku haystaan beelaha walaalaha oo ay uga digayaan in ay cidi jebiso wixii lagu heshiiyey cidii heshiiskaasi jebisan ay qaadi doontaa wixii halkaasi ka dhaca Mas’uuliyadeeda.
Isimada halkaasi ku sugnaa ayaa balan qaaday in waajibka saran ay gudaan sida daacadda ah.










Boga wararka
© 2006- 2009 Puntland Government | info@puntlandgovt.com