English 
Boga hore
Xogta DGPL
Qaabka Xukuumadda
Khariidada
Nagala xiriir
Fal celis



Wararka

War saxaafadeed

Mashaariicda Hormarinta

Khadiiradda DGPL

Muuqaalo

Dalxiiska

Ganacsiga

info@puntlandgovt.com
Ministries' web pages
Ministry of Education
Ministry of Fisheries
Ministry of Women Development & Family Affairs
Ministry of Finance
Ministry of Health


Wararka
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maanta u kuurgalay Xaaladda Isbitaalka Guud ee Garowe.

Wednesday, 16-Sep 2009

Garowe,Puntland:Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta soo kormeeray Isbitaalka weyn ee ku yaala Caasimada Dowladda Puntland ee Garowe.




Isbitaalkan ayaa waxa maalmahan ka jiray xaalado adag,Madaxweynaha ayaa waxa uu qol qol u galay qolalka Bukaan jiifka isagoo ruux kasta is dul taagayey kana waraysanyey dadka haya iyo dhakhaatiirka xaaladooda,wuxuuna mid kasta alle uga baryey in uu Caafimaad siiyo,
Kormeerkii ka dibna waxa uu Madaxweynuhu kulan la qaatay shaqaalaha Isbitaalka iyo dhakhaatiirta ka hawlgasha,waxayna Madaxweynaha u sheegeen baahiyaha ka jira isbitaalka oo ay ugu daran tahay Korontada,Mushaharka iyo daawooyinka oo hay’adihii bixin jiray uu ka dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen in ay caawiyaan isbitaalka.
Madaxweynaha ayaa isla markiiba amray in shirkada korontada ee ka hawlgasha Magaalada Garowe in ay isla maantaba soo xiraan korontada,sidoo kale Madaxweynaha ayaa balanqaaday in la kiciyo labo Matoor oo fadhiya loona soo gudbiyo kharajka ku baxay,wuxuu kaloo Madaxweynuhu balanqaaday in bil kasta la siiyo Isbitaalka 9foosto oo shidaal ah,Madaxweynaha ayaa sheegay in Isbitaalka Garowe ay sidan ugu wacan tahay maamul xumo baahsan hadana ay dowladda u samayn doonto maamul wanaagsan,hay’daha qaabilsan Caafimaadkana aan u diri doono Codsiyo,waayo waxaa iyana raba in wax laga qabto Isbitaalada ku yaal Gaalkacyo ,Boosaaso iyo degaanada kale ee Puntland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta waxa uu balanqaad Caafimaad oo dibedda ah loo diri doono mid ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka oo ay indhaha dhibaato ka soo gaartay ka dib markii ay daawooyinka shaybaarka lagu baaro ay ka gaartay ka dibna uu belay hal Il,tii kalena ay la bukootay.
Madaxweynaha ayaa maanta booqashooyinkiisa uu ku marayey Isbitaalka iyo xerada 54aad waxa ay ugu soo dhamaadeen si guul ah.


















Boga wararka
© 2006- 2009 Puntland Government | info@puntlandgovt.com