| Puntland waxa ay ku taalaa Waqooyiga Soomaaliya, Waxaad ka heleysaa halkan si deg deg ah meelo badan oo aad ku negaato, hoteelo kor u dhaafaya Kumaankun, meelo badan oo loogu talo galay raaxada iyo maaweelada, dhamaantood waxa ay sugayaan dalxiisayaasha.
Puntland waa dhul nabad ah una sahlan dalxiisayaasha ka imaanaya meelo fog fog, khadka Mobileku waxaa uu ka shaqeeyaa in ku dhaw 30% gobolka, waxaad ka heli waxkasta oo aad u baahan tahay sida:Buuraha dhaadheer, Xeeb balaaran, Harooyin nadiif ah iyo meelo taariikhi ah, sidoo kale dadku waa kuwo ku soo dhaweynaaya isla markaasna ku xanaaneynaya.
Magaalooyinka qadiimiga ah ee jira boqolaalka sano ee Puntland waxa ay kugu casumayaan in aad la kulanto dhaqanka meeshaan yaala, Puntland State waxa uu ku faano oo ku soo jiidanaaya waa dhulka dabiiciga ah, duurjoogta la dhawray, taas oo uu kaga duwan yahay inta badan ee Wadamada Afrika iyo qaar kale oo ka tirsan Dunida.
Faah faahin dheeraad fadlan kala xiriir Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Email: moitct@puntlandgov.net |